Qeexitaanka soonka
soonku waa in laga af-haysto wakh-ti gooniya wax-yaalaha wax afuriya iyadoo niyo
laraacinayo.
Soonku waa tiir kamida tiirarka islaamka, waxaana daliil u ah waajib-nimadiisa kalaabka
eebbe iyo sunnada suubanaha NNKH, qofka diida waajib-nimadiisana waa gaalka xayn-
daabka islaamka aan kujirin, labo qof midkood mooyaane; qof hadda soo islaamay oo aan
axkaamta islaamka sifiican ugaranayn iyo qof kunool ama kunoolaa meel kadurugsan dadka
aqoonta diineed leh,(culimada).
Soonka waxaa lawaajib yeelay bishii shac-baan sanaddii labaad ee hijriga.
Fad-liga soonka
Soonku wuxuu leeyahay fadaa’il badan waxaana kamida:
1- Soonku wuxuu u ergaynayaa qofkii soomay maalinta qiyaame. Naabigu NNKH wuxuu
kuleeyahay xadiiska uu iimaamu axmed soo saaray, [ Soonka iyo qu’aanku waxay u
ergaynayaan adoonka maalinta qiyaame].
2- Qofka soomani labo farxadood buu leeyahay, markuu afurayana wuu faxayaa, oo wuxuu
kufar-xayaa inuu amarkii alle wayne fuliyay oon-kii iyo baahidiina ay kajabeen, wuxuu
kaloo uu farxayaa markuu alle lakumayo, wuxuuna kufar-xayaa abaal-marinta alle agtii u
taala. Nabigu NNKH wuxuu kuleeyahay xadiiska uu iimaamu muslim soo saray, [ qofka
sooman labo farxadood buu leeyahay; farxada markuu afurayo iyo farxada markuu alle lakul-
mayo].
3- Soonku wuxuu qofka ka ilaaliyaa naarta. Nabigu NNKH wuxuu xadiiska uu iimaamu
bukhaari soo saaray uu kuleeyahay, [ soonku waa gaashaan, midkiin hadduu maalintiisa
soomo yuusan af-xumo iyo qaylo la-imaanin].
4- Soonka dan-biyadaa lagu dhaafaa. Nabigu NNKH wuxuu kuleeyahay xadiiska aysoo
saareen imaamu bukhaari iyo imaamu muslim, [ qofka sooma ramadaanta isoogoo aaminsan
( waajib-nimadeeda) xisaabsanayana ( ajar) waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore].
5- Soonku alle ayuu ugaar yahay. Xadiis qudsiga uu imaamu bukhaari soo saaray alle wuxuu
kuleeyahay, [ ac-maasha uu ibnu aadamku qabto isagaa iska leh soonka mooyane, soonku
anuu iisug-naaday anaana ka abaal-marinaya].
Arkaanta soonka
Arkaanta soonku waa saddex waxayna kala yihiin:
1- qofka sooman.
2- Niyada soonka.
3- In laga af-haysto wax yaalaha wax afuriya.
Soonka bisha ramadaan wuxuu kuwaajibaa laba arimood midkood:
1- Dhamays tiranka sodonka bisha shac-baan.
2- Ama in la arko bisha habaynka sodonaad ee shac-baan.
Shuruuda soonku kuwaajibo
Shuruuda soonku kuwaajibaayi waa afar shardi waxayna kala yihiin:
1- Islaamnimo, qofka soomayaayi waa inuu islaam ahaadaa.
2- Qaangaadh-nimo, qofka soomayaayi waa inuusan caruur ahayn
3- Caqli, qof soomayaayi waa inuusan waalnayn ama miyir dabool-nayn.
4- Awoodida soonka, qofka soomayaayi waa inuu awoodaa soonka.
Waajibaadka soonka
Waajibaadka soonku waa afar shay waxyna kala yihiin:
1- Niyo, qofka soomayaayi waa inuu soonka niyays-taa habayn-kii inta aan waagu bar-yin
kahor, niyadaas-na waxaa laga rabaa habayn walba oo habynada soonka waajibka ah kamida.
2- Xadidaada niyada, waa inuu niyoodaa qofka soomayaa habayn walba barri inuu soomayo
soon ramadaan, si soonka ramadaanta looga duwo soomanka kale ee waajibka ah ee
xadidaada ubaahan.
3- Kadheeraan shiyaha wax yaalaha wax afuriya, sida cunta, cabitaanka, galmada iyo in kas
la’isaga matajiyo ( hunqaaciyo).
4- Garashada waabariga iyo gabal dhaca, qofka soomayaayi waa inuu waaga barigiisa iyo
gabal dhacaba si xaqiiga u ogaadaa si uu soonkiisu u ansaxo.
Wax-yaalaha qofka sooman afuriya
Wax-yaalaha qofka sooman afuriyaayi waa sagaal shay waxayna kala yihiin:
1- Cayn kasta oo gaadha gudaha qofka isagoo siimaraya meel furan, gudaha qofka waxaa
kamida madaxa xagiisa hoose, caloosha, xuminta taranka, dabada iyo mac-danta.
2- Iska matajin kas ah ( hun-qaaco ), mantagu huu qofka sooman soo dhaafo isagoon u kasin
soonka kama jabiyo.
3- Galmo kas ah, ninku waa inuu galiyaa inta hore ee xubintiisa taranka ah meel daloosha, (
xaga hore ama xaga danbe) aadane ha ahaado ama yuusan aadane ahayne, biyo haka
yimaadeen ama yaysan ka imaane, qofka sooman haddii isagoo is ilowsan uu galmo sameeyo
ama lagu khas-bo soonku kama jabayo.
4- Biyo tuurid (biyo ka imaanshiyo), qofka soomani hadduu gacanta biyo iskaga keeno ama
ay biyuhu kaga yimaadaan dhukasho iyo taabasho aan wax u dhexayn soonku wuu
kaqabayaa.
5- Dhiigii caadada (Xayd), Gabadha iaydoo sooman hadduu dhiigii caaadadu kayimaado
soonkeedu wuu kajabayaa.
6- Dhiigii dhal-mada, gabdhu hadday umusho iyadoo sooman soonkeedu wuu jabayaa.
7- Waalida, qofku hadduu waasho isagoo sooman soonkiisu wuu jabayaa.
8- Dhal-mada, gabadhii somanay haddii ay dhasho dhiigba yuusan ka imaane soonkeedu
wuu jabayaa.
9- Diin kanoqoshada (Ridada), qofkii soomanaa hadduu ridoobo soonkiisu wuu jabayaa,
eebbaynu ka magan galnaye.
Sunnayaasha soonka
Sunnayaasha soonku way fara badan-yihiin waana kamida:
1- Afurka in ladadajiyo, Xadiiska iimaamu bukhaarib iyo iimaamu muslim soo saareen
wuxuu nabigu NNKH uu kuleeyahay, [Umaddaydu khayr-ka kama suulayso inta ay afurada
dadajinayaan].
2- Dib udhigida suxuurta, nabigu NNKH wuxuu kuleeyahay xadiiska uu iimaamu axmed soo
saray, [Umaddaydu khayr-ka kama suulayso inta ay afurada dadajinayaan suxuurtana ay dib
dhigayaan].
3- Katagidda af-xumada, nabigu NNKH wuxuu kuleeyahay xadiiska uu iimaamu bukhaari uu
soo saaray, [qofka aan katagin hadalka beenta ah iyo ku camal falkiisa ilaahay dan kama leh
inuu katagay cunadiisa iyo cabitaankiisa].
Ayaamaha in lasoomaayi ay xaaraanta tahay
Ayaamaha ay xaaraanta tahay in lasoo maayi waa shan maal-mood, shantan maal-mood in
lasoo maayi ma banana qofkii soomaayina soonku kama asaxayo, waxayna kala yihiin:
1- Labada iidood, (Iidu al-fidri iyo iidu al-adxaa).
2- Ayaamu tashriiq, ayaamu tashriiqu waa saddexda maa-mood ee iidu axcada kadan-beeya.
Waxaa karaaha ah in lasoomo maalinta shakiga, (yoomu shaki), waana maalinta soddonaad
ee bisha shac-baan dadku kusheekaystaan aragtida bishii ramadaan.